Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysi uu siiyay BBC-da si kulul ugu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in uu meesha ka saaray guulaha ay dowladda sheeganayso, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo doorashooyinka.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuusan diyaar u ahayn heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan hirgelinta qof iyo cod.
Sheekh Shariif ayaa muujiyay walaac adag oo ku saabsan qaabka Villa Soomaaliya u wado diyaar-garowga doorashooyinka, isagoo sheegay in qorshayaal aan laga tashan ay dowladdu ku socoto. Wuxuu ka digay in arrintani abuuri karto xaalad khatar ah oo wiiqda xasilloonida dalka, islamarkaana ay dhalin karta wuxuu ugu yeeray abuurista “qalqal siyaasadeed oo halis ah”.
Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in amnigu marayo meel aad u liidata, taas oo dadka Soomaaliyeed welwel badan ku abuurtay. Wuxuu tilmaamay in xaaladdu aysan u muuqan mid socada ama sugnaan karta haddii aan wax laga beddelin sida arrimaha amniga loogu wajaho dowladda hadda jirta.
“Amniga dalka maanta wuxuu maraa meel halis ah, oo qof walb oo arimaha Soomaaliya ku mashquulsan ama dadka Soomaalida welwel ay ka qabaan” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif, isaga oo su’aal galiyey “masii jiri karaan dadkaanu”.
Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu eedeymo u jeediyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mas’uulka ugu weyn ee fashilka wadahadalladii hore iyo khilaafka taagan, isagoo caddeeyay in mucaaradku diyaar u yihiin wadahadallo balse Madaxweynaha uu yahay kan ka baxay jidka heshiiska. Wuxuu ku tilmaamay sheegashada in Muqdisho ay ka jirto jawi amni oo u saamaxaya doorasho xor ah ay tahay “nasiib darro weyn”.
Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo Villa Somalia ay adkaynayso qorshaha qof iyo cod, islamarkaana ay wado diyaarinta doorashada golaha deegaanka ee lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.
Qorshahan waxaa si cad uga soo horjeeda Jubbaland, Puntland iyo Madasha mucaaradka ee Samatabixinta oo ku tilmaamay habka dowladda u wajahayso doorashooyinka mid aan lagu kalsoonaan karin.
Hbn Online Tv

