Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay Axmed Madoobe oo hadda dowladda dhankeeda ah Eedeysane.
Shariifka ayaa sida oo kale ka horyimid tallaabada milatari ee ay qaaday dowladda dhexe ee ciidamada lagu geeyay deegaannada Jubbaland ayaa tilmaamay in arrintaas ay sababi karto in uu dhiig ku daato halkaasi.
“Maanta waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka la isu adeegsanaayo, waa xaalad la abuurayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro mana jirin baaho loo qabo” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu soo hadal soo qabashada Axmed Madoobe ka dib waaranka ay u jartay dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inuu arko arrin khalad ah, maadaama uu waqtigeeda ku qabtay doorashada maamulka Jubbaland.
“Kii yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaa kii kalena sidaada ku joog haddaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso” ayuu yiri Shariif.
Waxaa uu carrabaabay in Dowladnimada dalka ay tahay wax heshiis bulsho iyo dastuurkaba, taasi oo loo baahan yahay in ilaalino.
Arintan ayaa ku soo aadaysa, iyada oo weli taagan yahay khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, kaas oo aad looga dayrinayo talaabooyinka iyo go’aamada ay is dhaafsanayaan dhinacyadu.
Dowladda Federaalka ayaa ciidamo badan gaysay deegaanka Raaskambooni, kaasi oo ay bilawday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.
Tobanaan ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay Raas-Kaambooni, ka dib markii ay isaga bexeen safka Jubbaland.
Shalay oo jimca ah dowladda ayaa Muqdisho ka soo dejisay cutubyo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ee ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo sameyn doono diiwaan-gelin, mushaar iyo dalacsiinta ay mudan yihiin, maalmo kadibna waxaa dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka howlgeli jireen ee Jubbaland, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.
HBN ONLINE TV

