Toddobaadyo hakad ah, kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u bilaabmay maanta oo Isniin ah, taasi oo muujinaysa in is-faham laga gaaray murankii siyaasadeed ee xannibay howlaha baarlamaanka, wallow xildhibaannada mucaaradka ah ay dhaliilo u jeediyeen guddoonka golaha..
Hakadka baarlamaanka waxaa sababay khilaaf xoogan oo ka dhashay isku day lagu doonayay in meesha looga saaro xasaanadda xildhibaan mucaarad ah, Cabdullaahi Xaashi Abiib. Tallaabadaas ayaa horseeday soo jeedin mooshin xil ka-qaadis ah oo si lama filaan ah xildhibaanno ugu dhawaaqeen, taasoo waxayna horseeday inuu istaago shaqadii baarlamaanka dhowr toddobaad.
Inkasta oo weli aan si buuxda loo shaacin heshiiska lagu soo afjaray ismari-waaga, haddana dib u furidda kulanka maanta waxay muujinaysaa in la gaaray xal siyaasadeed oo ku meel-gaar ah, si shaqada baarlamaanku u sii socoto.
Dib u bilaabashada shaqada baarlamaanka waxay fursad u tahay in lagu laabto howlihii muhiimka ahaa ee horyaallay, sida meelmarinta sharciyo, doorashooyinka iyo kormeerka howlaha fulinta dowladda.
Arrinta xasaanadda xildhibaanka mucaaradka waxay sare u qaaday walaaca laga qabo in baarlamaanka loo adeegsado cadaadis siyaasadeed, taasoo dhaawici karta kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha sharci-dejinta.
Wallow dib u bilaabashada kulamada baarlamaanku ay tahay talaabo horay loo qaaday, waxaa weli jira su’aalo ku saabsan sida loo maareyn doono khilaafaadka siyaasadeed ee soo laalaabanaya. Kulanka maanta ayaa lagu looga hadlay hindse sharciyeedka dad dhigista iyo xalaadaha madaniga ah.
HBN ONLINE TV