Dadweyne careysan oo maanta bannaanbaxyo isugu soo baxay magaalada Baydhabo ayaa dhigay dibax ay ku muujiyeen wax loogu yeero “caro xooggan” oo ay ka qabaan go’aamada Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee deegaanada mamaulka Koonfur Galbeed.
Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maray wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada, iyagoo qaar ka mid ah jeex-jeexeen sawir-maamusyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku dhaganaa goobo ku yaalla Baydhabo, xili ay ku dhawaaqayeen hadallo caro leh.
Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in uu ahaa xigasho: “bannaanbax lagu cambaareynayay falalka guracan iyo duullaanka gardarrada ah ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay ku soo qaadeen Dowladda Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri warka maamulka, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahaas.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in bannaanbaxaan uu daba socday dhaqdhaqaaqyada ay DFS ka wado deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, si halkaasi looga qabto qabto doorasho.
HBN ONLINE TV

