Shabakad Alshabaab ah oo dilal uga fulin jirtay Mudug oo la toogtay

Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow ayaa maanta lagu fuliyey dil toogasho ah, kadib markii lagu helay  ka tirsanaanta kooxda Alshabaab, gaar ahaan qaybta fulisa dilalka qorsheysan iyo qaraxyada gaadmada ah oo ay ka geysteen gobolka Mudug dhanka Puntland, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Labadan xubnood ayaa lagu helay dambiyo culus, iyaga oo magaalada Gaalkacyo ku dilay haldoor bulshada ka mid ahaa, oo ay ku jiraan nabadoono caan ah iyo odayaal dhaqameed door hoggaamineed ku lahaa sida la tilmaamay deegaanka.

Dadka ay dileen waxaa ka mid ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamac Maxamed, sida ay shaaca ka qaaday Maxkamadda Sare ee Ciidamada.  Dhammaan raggan ayaa dadka beegsa jiray xilliga ay ka soo baxayeen salaadda masaajidka, kadibna ku dili jiray weerarro gaadmo ah, sida Maxkamaddu horay u sheegtay.

Sidoo kale, labadan nin oo horay u bixiyay wareysiyo ayaa qirtay dhacdooyin xanuun badan oo dilal ah, kuwaas oo ay ka geysteen inta ay ka howlgalayeen magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland.

Xubnahaan ayaa gacanta ciidamada ammaanka soo galay 17-kii Abriil 2023, kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi-Bile ah oo ay leeyihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada ayaa horraantii 2023 ku xukuntay dil toogasho, waxaana racfaankii ay qaateen, waxaana si buuxda u ansixisay Maxkamadda Sare ee Ciidamada, taas oo horseeday in maanta si rasmi ah loo fuliyo xukunka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in fulinta xukunka ay fariin adag u tahay xubnaha Alshabaab ee ku hawlan falalka dilalka iyo beegsiga dadka rayidka ah, isla markaana ay muujinayso go’aanka dowladda ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid caddaalad u horseedaysa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen nabadoonadii la dilay, isla markaana soo celinaysa kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda sharci fulinta dowladdu leedahay.

Bishaan Agoosto waa tiradii ugu badneyd ee la dilo dadka ku eedeysan la shaqeynta Alshabaab oo Maxkamadda Ciidamada dowladda ku fulisay xukuuno toogasho, waxaana ku jira Askar iyo dhalin yaro kooxdu u adeegsatay falal naxdin lahaa oo dad badan galaaftay. Ragga la toogtay ayaa gaaraya 12 ruux.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed