Senetar Tom Cotton oo ka tirsan aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa ku hanjabay tallaabo militari oo ka dhan ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ka dib markii ay soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirkii hore ee Difaaca, Yoav Gallant, isagoo cuskaday sharciga Mareykanka ee muranka dhaliyay ee loo yaqaan “The Hague Invasion Act” ee ah qaanuun Mareykanku uu dhigtay oo uu kaga hortago ciidamadiisa in dacwad ay ku soo oogto maxkamadda ICC.
Hadal xanaf leh oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Senator Cotton oo ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka uu maalgeliyo ururka ah AIPAC ee u ololeeya arrimaha Israa’iil ayuu ku yiri
“ICC waa maxkamad kangaroo ah [aan sharci aheyn], Karim Khanna [dacwad oogaha maxkamaddu] waa nin xagjir ah. Halaag baa u sugnaaday isaga iyo cid kasta oo isku dayda in ay dhaqangeliso weerankan sharci-darrada ah. Aan siiyo dhamaantood xasuusin saaxiibtinimo leh oo sheegaysa sharciga Maraykanka ee ICC waxa loo yaqaan Xeerka Duulaanka Hague, markaa waa in laga fekaraa”
“The Hague Invasion Act ama Xeerka Ilaalinta Xubnaha Ciidamada Mareykanka, ayaa la ansixiyay 2002 si looga ilaaliyo xubnaha ciidamada Mareykanka iyo xulafada dacwad oogayaasha ICC. Sharcigu wuxuu u fasaxayaa Madaxweynaha Mareykanka inuu isticmaalo “dhammaan siyaabaha lagama maarmaanka ah iyo kuwa ku habboon” – oo ay ku jiraan xoog militari – si loo sii daayo qof kasta oo Mareykan ah ama xulafadiisa ah oo ay xirto maxkamadda ICC ee The Hague.
Hanjabaadda Mr Cotton ayaa timid kadib markii garsoorayaasha maxkamadda ICC ay soo saareen amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay inay gaajo u adeegsadeen qaab dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ku jiraan dil, cadaadis iyo falal kale oo bini’aadantinimo ka baxsan oo ka dhacay Gaza. Maxkamaddu waxay go’aamisay inay jiraan “sababo macquul ah” oo ah go’doominta Israel iyo weerarka Gaza “ay abuurtay xaalado nololeed oo loo xisaabiyay inay keenaan dhimashada qayb ka mid ah dadka rayidka ah”.
Maamulka Biden ayaa si degdeg ah u diiday go’aanka ICC, iyadoo afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ay muujisay “walaac qoto dheer” oo ku aadan go’aanka maxkamadda.
Siyaasiyiinta Mareykanka ee ka kala socda labada xisbi ee waaweyn ayaa cambaareeyay go’aanka Maxkamadda, iyadoo Senator Lindsey Graham, oo saaxiib la ah madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, uu ku baaqay in cunaqabateyn lagu soo rogo saraakiisha ICC.
Wadamada xubnaha ka ah ICC oo ay ku jiraan Faransiiska, UK iyo Canada ayaa tilmaamay in Netanyahu la xiri doono haddii uu cag soo dhigo dalkooda.
Warqabadka HBN Online TV