Senate-ka Mareykanka oo ansixiyey in Finaldn & Sweden ku biiraan NATO

4, August 2022

Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyey xubinada Sweden & Finland ee NATO
Aqalka sare ee dalka Mareykanka (Senate) ayaa u codeeyey ansixinta qaraar ogolaanaya in dalalka Finland & Sweden ay xubno ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, tallaabo lagu sifeeyey mid taariikhi ah ah oo lagu xoojinayo difaaca xulufada iyadoo uu taagan yahay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

NATO ayaa si rasmi ah ugu ogolaatay Sweden iyo Finland inay ku biiraan isbahaysiga dhamaadka bishaii June, go’aankana waa in ay aqbalaan baalamaannada dhammaan 30-ka dawladood ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, si rasmi ahaan loogu ansixiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u diray aqalka dalab ku aadan meelmarinta qaraarkaasi bishii July, si cod loogu caado, waxaana hadda u codeeyey laba meelood saddex xubnaha aqalka.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed