Senatar Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga iyo madax ka hadashay

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta oo Talaado ah ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ahaa Siyaasi rug-cadaa ah, kana tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Maxamed Cali Yusuf oo ku magac dheeraa Gaagaab ayaa caan ka ahaa masraxa Siyaasadda Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay intii uu ku jiray.

Horay waxaa uu u soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland waxaana uu ka mid ahaa aasaasayaashi maamulka, isaga oo hadda ahaa senator ku matala Aqalka Sarre ee Soomaaliya.

Sida oo kale Puntland waxaa uu ka soo qabtay jada Wasiirkii Maaliyada, halka uu sida oo kale dowladda dhexe xilal muhiim ah ka soo qabtay.

Masuuliyiin kala duwan ayaa uga tacsiyeeyey ehelada, qoyska iyo qaraabada geeriyada ku timid Senetar Gaagaab oo ay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi dalka iyo dadkaba u soo qabtay.

” Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inagasiiyo” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni madaxaweynaha Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada oo ka hadlay geerida marxuumka ayaa sheegay in masuul muhiim ah uu ka baxay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo Alle uga baryey in uu janadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya oo si kooban uga hadashay waxqabadkiisii ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya uga tacsiyeyneyso ehelada iyo qoyska uu ka baxay Allaha unaxariisto Senatar Gaagaab, maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed