Saraakiil Maraykan ah oo Madaxweynaha Somaliland kula Kulay Hargeysa – Maxay Ka Wadahadleen?

Madaxweynaha Somalialand Maxamed Cabdulaahi (Cirro) ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay saraakiil ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika, sida ay tabisay warbaahinta afka xukuumada ku hadasha.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka lagu gorfeeyay arrimaha amniga iyo nabadgelyada gobolka Geeska Afrika, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo taageerada dhinaca tababarada iyo horumarinta awoodda ciidanka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa saraakiisha u soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, isla markaana lagu faahfaahiyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay Geeska Afrika. Saraakiisha Mareykanka ayaa ku bogaadiyay Somaliland amniga, xasiloonida, iyo kaalinta ay ka qaadaneyso nabadgalyada gobolka.

Intaa waxaa dheer, wafdiga Mareykanka ayaa u ballanqaaday inay Somaliland ka taageeri doonaan dhinaca amniga iyo tababarada, si ay awood ugu yeelato horumarinta iyo sugidda xasiloonida gudaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed