Saraakiil ku eedeysan in ay shil geliyeen diyaarad u adeegeysay ATMIS oo Uganda Maxkamad saartay

Dowlada Uganda ayaa maxkamad saartay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka Difaaca Dalkaas, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen shil diyaaradeed oo Bishii Deseembar 2024 ay geliyeen diyaarad u adeegeysay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Diyaaradda shilka gashay ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, waxaa ku dhaawacmay afar askari oo katirsan howlgalkii dhowaan magaciisa la baddelay ee ATMIS.

Magacyada saraakiishaan ayaa lagu kala sheegay Gaashaanle sare George Buga Andruga oo 51 jir ah, Gaashaanle Dhexe Benjamin Kashumbusha oo 43 jiro & Gaashaanle Henry Gygenda oo 38 jir ah, kuwaa oo loo heysto inay dayaceen mas’uuliyadoodii.

Maxkamadda Ciidamada Uganda ayaa laga hor caddeeyay eedahaan ay soo diyaarisay xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Dalkaas, waxaana Maxkamadda laga codsaday in lagu qaado ciqaabta eedahaas lagu soo oogay.

Diyaaradda ay adeegsanayeen oo ah aircraft AU0-004 waxa ay u rareen si ka duwan xadka loogu talagalay iyaga oo ka badiyay sida hadalka loo dhigay qaadkii loo qorsheeyay, waxa ay kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Cirka Ballidoogle ka hor inta aanay  ku dhicin meel dhinaca Koofur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho oo qiyaastii Caasimadda u jirta 90 Kiilomitir. Duulliyaha ayaa xakameyn waayay diyaaradda oo ugu dambeyn dhacday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed