Saraakiil iyo Askar loo Maxkamadeeyay in ay ka soo baxeen furimaha dagaal ee Galmudug

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa u fadhiisatay kiis dacwadeed loo heysto Askar iyo Saraakiil isaga soo baxday furimaha Dagaalka Gobolka Galgaduud, kuwaas oo si iskood ah u qaatay sida hadalka loo dhigay go’aankaas.

Saraakiisha iyo Ciidamadaan la xiray waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda Galmudug ku eedeysay in ay sameeyeen hannaan ka baxsan anshaxa ciidamada iyo waxyaabaha lagu siiyay tababarkooda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo soo diyaariyay galdacwadeed ka dhan ah Saraakiishaan iyo Ciidankaan katirsan Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya sababta ay uga soo baxeen furimaha dagaalka iyo qodobada lagu qaadayo.

Cabdi Maxamed Cumar, Muxidiin Cumar Cismaan, Calas Muumin Barre, Cabdulqaadir Maxamed Cumar & Cumar Maxamed Cumar oo ah Taliyaha Ciidanka Saldhigga Degmada Ceeldheer oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga waa saraakiisha maxkamadda kasoo muuqday ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen amar-diido.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa dalbaday in laga saaro Ciidanka Dowladda Federeelka Sabab ka dhalatay ficilka ay sameeyeen.

Qareennada Difaacaya eedeysanayaasha ayaa cudur daar ku dahaaray eedaha loo heysto Saraakiisha iyo Ciidamada katirsan Xoogga Dalka & sarkaalka Booliiska ah ee loo heysto amar-diido iyo in ay isaga soo baxeen Furinta Dagaalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 21-aad ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan oo soo xiray soo xiray dhageysiga eedeynta xeer ilaalinta & difaaca Qareennada ayaa sheegay in go’aanka dib kasoo saari doonnaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed