Saldhig Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe oo la duqeeyay

Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya lagu soo weeraray diyaarad aan duuliye lahayn, balse ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri: “Wararka ugu horreeya ma muujinayaan wax khasaare ah, balse waxaa socda qiimeynta saameynta, hadda waxaan wadnaa qiimeynta khasaaraha”.

Weerarkan ayaa lala beegsaday saldhig ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwa isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka oo ku yaalla gobolka Rumailan ee waqooyiga bari ee dalka Suuriya.
Waa weerarkii labaad ee ciidamada Maraykanka lagu qaado muddo todobaad gudihiis ah, iyadoo shan askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka lagu dhaawacay labo gantaal oo ah nooca Katyusha ah oo lagu garaacay saldhigga ciidamada cirka ee Caynal Asad ee galbeedka Ciraaq.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda ka aloosan gobolka lana filayo in ay Iiraan iyo xulafadeeda weerar ka fuliyaan gobolka, kuwaas oo jawaab u ah dilkii loo gaystay madaxii xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran & dilka hogaamiyihii military-ga Xisbullah Fouad Shukr oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka koonfureed ee Beirut.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga 900 oo askari, halka Ciraaq ay ka joogaan 2,500 oo askari, waxaana uu sheegayaa in ciidankaasi qayb ka yihiin howlo la xiriira la talinta iyo caawinta ciidamada labada dal si ay uga hortagaan soo noqoshada kooxda ISIS oo sanadkii 2014-kii qabsaday dhul badan oo Ciraaq iyo Suuriya ah ka hor inta aan markii dambe laga adkaan.

Dawlada Suuriya ayaa sharci darro iyo qabsasho ku tilmaamtay ciidamada Mareykanka ee dalkeeda ku sugan iyadoo dalbatay in deg deg uga baxaan, dhanka Ciraaq ayaa sidoo kale waxaa ka taagan guux lagaga soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaas.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed