Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka mid noqday ku dhowaad 50 safiir oo looga yeeray Washington

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday ku dhowaad 50 safiir & diblomaasiyiin ah oo maamulka Madaxweyne Donald Trump uga yeeray Washington, lana qorsheynayo in la beddelo, kaddib dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo adeegga dibadda ee Mareykanka.

Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu waafajinayo matalaadda diblomaasiyadeed ee Mareykanka siyaasadda “America First”, waxaana la filayaa in isbeddelladan ay dhaqan galaan bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka aysan weli si rasmi ah u shaacin liiska dhammeystiran ee safiirrada la beddelayo, haddana warbixino kala duwan ayaa xaqiijinaya in Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka mid yahay safaaradaha ay isbeddelladani saameynayaan.

Dhaleeceeyayaal ayaa ka digaya in tallaabadan ay keeni karto in safaarado badan ay waayaan safiirro si buuxda loo ansixiyay, taas oo saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo danaha Mareykanka, xilli caalamku wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

 

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed