Safiirka cusub ee dalka Ingiriiska u qaabilsan dalka Soomaaliya Amb.Charles Nicholas King ayaa ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Caasimadda Muqdisho.
Danjire, Charles Nicholas King, ayaa bartiisa gaarka ah ee “X” ku soo qoray qoraal uu ku yiri “Waxaa sharaf ii ah inaan billaabo doorkayga Safiirnimo ee Ingiriiska ee dalka Soomaaliya, waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibadda Soomaaliyeed oo aan wax badan ka barto dalkan Cajiibka ah”.
Charles Nicholas King Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa horey uga soo shaqeeyey Safaaradaha UK ee dalalka Syria, Libya, Afghanistan, Iraq & Masar, sidaas oo kale horey qeyb uga noqday xubnaha dajiyey Siyaasadda UK ee Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV