Safiirka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Turkiga Fatxudin Cali Maxamed ayaa maanta booqday xabsi ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed iyo u doodista maxaabiista.
Danjire Fatxudin Cali Maxamed ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha iyo tabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, wuxuu la falgalay maxaabiista, wuxuuna indhihiisa ku arkay xaaladaha ay la kulmaan.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ayaa ku xiran dalka Turkiga, kuwaas oo ilaa hadda aanan Maxkamad la soo tagaan, isla markaana siyaabo kala duwan loogu xiray dalkaas.
HBN NEWS DESK