Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo hakisay qeybo ka mid ah adeegyo ay bixin jirtay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay hakisay qaar ka mid ah howlaha ay qabato, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed ah (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Bayaan ay safaaraddu ku daabacday barta X ayaa lagu sheegay in “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X aan cusbooneysiin doonin si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”

Tani waxay la micno tahay in safaaraddu aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay caadiyan siiso muwaadiniinta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, marka laga reebo arrimaha muhiimka ah sida amniga muwaadiniinta Mareykanka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, sida xarumaha ku yaalla Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii sababo la xiriira isla arrintan.

Xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa ah mid dhacda marar badan marka ay Kongareeska iyo Aqalka Cad ku guuldareystaan in ay ku heshiiyaan miisaaniyadda dowladda, Saameynta arrintan waxay gaaraysaa shaqaalaha dowladda, safaaradaha, adeegyada bulshada, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed