Ugu yaraan 3 qof ayaa maanta ku geeriyootay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kadib markii ay koronto ku dhegtay xilli uu da’ayay roob xooggan oo saakay ka curtay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in korontadu ay ka kacday qeybo ka mid ah guri ku yaalla xaafad ka mid ah Xamarweyne, taasoo sababtay dhimashada dadkaasi, inkasta oo aanay jirin cid si madax banaan u xaqiijisay arintaasi.
Korontadan ayaa la aaminsan yahay inay ka dhalatay roobka culus ee saacadihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho, kaasoo saameyn ku yeeshay korontada iyo badqabka guud ee magaalada.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka oo faahfaahin ka bixinaya dhacdadan.
Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka ugu dhisme qadiimisan Muqdisho ayaa badi marka roobabku da’aan dadka degan waxaa soo gaara khasaare ka dhasha guryo burbura ama Korontada oo dab ka dhasho.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

