Sacuudiga & Xuutiyiinta oo duqeymo is-waydaarsaday

Ciidamada Sacuudiga ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay magaalada Xudeyda iyo Jasiiradda Kamraan ee galbeedka Yaman oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

Warbaahinta xiriirka la leh dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ee loo yaqaan Xuutiyiinta ayaa sheegtay in afar duqeyn oo Sacuudigu fuliyay lagu beegsaday xarunta shirkadda isgaarsiinta ee Xudeyda, halkaas oo hal qof oo shaqaale uu ku dhaawacmay, iyadoo Jasiiradda Kamraan la sheegay in haweeney lagu dhaawacay. Goobjoogayaal ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in sidoo kale dhowr duqeyn ay ku dhacday deegaanka dekedda Xudeyda.

Safiirka Sacuudiga ee Yaman, Maxamed Al-Jaber, ayaa sheegay in Boqortooyadu ay weli taageersan tahay nabadda iyo xal siyaasadeed oo lagu soo afjarayo dhibaatada Yaman, isagoo ku eedeeyay Xuutiyiinta inay dalka u adeegsanayaan dano dibadeed.

Dowladda Yaman ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday markab ganacsi oo marayay Badda Cas, iyadoo sheegtay in jawaabta militari ee Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ay ahayd mid lagu ilaalinayo sida hadalka loo dhigay amniga maraakiibta caalamiga ah iyo marin-biyoodka. Waxay sidoo kale sheegtay in dekedaha Yaman, oo ay ku jirto Xudeyda, ay weli si caadi ah u imanayaan maraakiibta ganacsiga iyo gargaarka bini’aadannimo.

Afhayeenka Isbahaysiga Sacuudiga, Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in waa sida hadalka uu u yiriye howlgalka lagu beegsaday bartilmaameedyo militari oo sharci ah, isagoo caddeeyay inaan la duqeyn dekedda Xudeyda. Wuxuu ku eedeeyay Xuutiyiinta weerarrada maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, isagoo uga digay inay la kulmi doonaan jawaab adag haddii ay sii wadaan waxa uu ku tilmaamay falalka gardarrada ah.

Dhanka kale, Xafiiska Siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa cambaareeyay duqeymaha Sacuudiga, isagoo sheegay in lagu beegsaday xarumo rayid ah oo ku yaalla Xudeyda iyo Jasiiradda Kamraan. Bayaanka ayaa ku tilmaamay weerarrada kuwo halis gelinaya xaaladda, isla markaana ka tarjumaya sii wadista go’doominta Yaman. Bayaanka ayaa lagu sheegay in beegsiga kaabeyaasha rayidka uu yahay “xadgudub cad” oo waajib ka dhigaya in beesha caalamku qaaddo mas’uuliyad sharci iyo mid akhlaaqeed.

Waxay intaas lagu daray in weerarradu “aanay marna noqon doonin jawaab la’aan,” iyadoo Xuutiyiintku ku celiyeen mowqifkooda ah “go’doomin go’doomin looga jawaabo, dekedo la beegsado looga jawaabo dekedo la weerarro, iyo colaad colaad lagu jawaabo.”

Laamaha ammaanka Sacuudiga ayaa sheegay inay soo saareen digniino hore oo ku saabsan khatar laga dareemay magaalooyinka Jiizan iyo Yanbu, balse markii dambe uu xaqiijiyay inay khatartu dhammaatay.

Xuutiyiinta ayaa goor dhaweyd waxay sheegeen inay weerarro jawaab ah ku qaadeen gudaha Sacuudiga. Weerarradan ayaa yimid kadib markii markab Sacuudigu leeyahay lagu weeraray Badda Cas, iyadoo la sheegay inay soo gaartay waxyeello kooban.

Dhacdadaas ayaa la kulantay cambaareyn uga timid Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, halka Xuutiyiintuna ay ku adkaysteen mowqifkooda, iyagoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku hanjabay weerarro ka dhan ah Sacuudiga.

HBN Online TV + Wakaaladaha Wararka

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed