Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabduulaahi Deni ayaa fariin u diray maamulka SSC Khaatumo & xukuumadda Somaliland, uguna baaqay in si nabad ah loo wada noolaado, lagana fogaado ficilada iyo hadalada hurinayo colaad saameeyn ku yeelato dadka dariska ah ee ka soo jeeda labada dhinac.
Deni ayaa cuqaasha & waxgaradka labada dhinac ugu baaqay in ay adkeeyaan nabada iyo wada noolashada, isla markaana carabka ku dhuftay in aanan la isku xad gudbin, oo laga shaqeeyo wadajirka, ehelnimada iyo dhaqanka soo jireenka ah ee bulashada ku nool gobolka.
Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata sheegay in cid walbe la ixtiraamo maamulkeeda & deegaankeeda in ay iyadu maamulato, oo aanan la isku xad gudbin, lagana gudbo colaadaha sookeeye ee ragaadiyay hormarka deegaanka, khilaafkana lagu dhammeeyo wadahadal, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Deni ayaa diray dhowr jeer baaqyo lagu qaboojinayo xaaladda cakiran ee maamulada SSC iyo Somaliland, kuwaas oo ay dhexmareen dagaallo ba’an oo dhaliyay kahsaaro lixaad leh, walina ay warbaahinta isku marinayo hanjabaayo culus.
HBN NEWS DESK