Saamenynta iyo caafimaad darada ka dhalata siinka isgaarsiinta iyo taleefannada gacanta.

Horudhac

In aad awood u yeelato in aad wici kartid laguna soo waci karo sidoo kale, aad si xor ah u dhex xuli kartid  shabakadda moobaylka (mobile network) ayaa noqonaysa mid sii kordheysa oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale, aad u kordhay isticmaalka adeegyada dijitalka (digital services). Adeegyada taleefanka gacanta oo shaqeynaya lana heli-karo markasta sidookale la isku haleyn karo ayaa xiliga hada la joogo lagama maarmaan u ah nolol maalmeedka dadka iyo shirkadaha ganacsiga. Markii adeegsiga taleefadana gacanta isticmaakiisu bato waxaa sidoo kale, bata oo kordha siimanka isgaarsiinta(mobile masts = cell tower = siinka isgaarsiinta) iyo anteenooyinka. Hadaba siinka isgaarsiinta, anteenooyinka iyo taleefanka gacantu (mobilka) waxay siidaayaan kaah (shucaac) qatar ah oo saameyn ku yeesha dadka.

Erayada muhiimka ah:

Anteeno

Siinka isgaarsiinta taleefanka gacanta= mobile mast

Hirarka raadiyowga = radio waves

Badad danabeed = electric fields

Badad birlabeed = magnetic fields

Badad birlabdanabeed = electromagnetic fields

Isgaarsiinta nidaamka taleefanada gacanta waxay ka dhacdaa hawada iyadoo la kaashanayo hirarka raadiyowga (Radio waves). Hirarka raadiyowga ayaa suurtageliya in ay gudbiyaan macluumaadka iyada oo aan la jiidin fiilooyin ama aan dhulka la gelin waayiro.

Shucaaca ka soo baxa siinka isgaarsiinta iyo teleefanadda gacanta waa hirarka raadiyowga kaas oo ka kooban badad danabeed (electric fields) iyo badad birlabeed (magnetic fields). Badadku waxay ku baahaan (faafaan) hawada iyagoo ku socda xawaaraha ileyska. Waxay u tarmaan sidii hirar noqonkara kuwo dhirirkoodu kala duwanyahay sidoo kale ku leexleexanaya xawaare kala duwan, si kale hadaan u dhahno, waxey leeyihiin hirar dhirirkoodu iyo rakaadyadoodu (frequency) kaladuwan yahay. Rakaadku (frequency) wuxuu muujiyaa tirada walhasho (leex leexasho/wareeg) ilbriqsigiiba. 1 Hz (Hertz = herts) waa hal walhasho (leexasho) ilbiriqsigiiba.

Hirarka raadiyowga  looma isticmaalo oo kaliya nidaamka isgaarsiinta mobilada. Meelaha  kala duwan ee loo isticmaalo waxaa ka mida baahinta TV-ga, isgaarsiinta radiyaha doonyaha, raadarada, isgaarsiinta dayax gacmeedka, foornada mikrowayfka. Tusaalooyinku waa badan yihiin. Hirarka raadiyowga waa qayb ka mid ah waxa loo yaqaan badad birlabdanabeed (electromagnetic fields). Halkaas waxaa ka mid ah illeyska.

Sidee bay dadka u saameeyaan hirarka raadiyowga? Waa su’aal muhiim ah oo ay tahay in bulshada soomaaliyeed ay wax ka ogaadaan qatarta ka imaankarta iyo waxa ka dhalan kara hirarka raadiyowga. Bulshada reer galbeedka dooda ku saabsan dhibaatada uu leeyahay iyo weliba cudurada ka dhasha hirarka raadiyowga waxay soo bilaabatay labaa taneeyo sano ka hor ilaa hadana weli wey socotaa.

Cilmi baaris ku saabsan sida badad birlabdanabeedku u saameyn karo dadka ayaa la waday in ka badan afartan sano. Marka la qiimeeyo natiijooyinka cilmi-baarista, waxaa la kala saaraa saameynta bayolojiyeed (noole = dhir iyo xoolo) iyo saameynta caafimaad. Saamaynta bayolojiyeed waa saamayn la cabirikaro sida ay jirka u saameysay oo inta badan aan waxyeelo laheyn  oo jirka laftirkiisu dib u sixi karo.Waxyeelada saameynta caafimaad waa kuwa ka baxsan kartida caadiga ah ee jirku dib ugu sixi karo waana taas mida saameynta ku yeelata caafimaadka iyo fayoqabka.

Marka hirarka raadiyowga ay ku dhacaan jirka, qaar ayaa noqda qaarna wey galaan/maquuraan jirka. Gudaha jirka, tamarta hirarka raadiyowga waxay isu rogaan/bedelaan kul. Cilmi-baarayaashu waxay heleen/ogaadeen in saamaynta caafimaadku ay timaado haddii hirarka raadiyowga ay kululeeyaan dhammaan ama qaybo ka mid ah jirka in ka badan 1 ° C. Haddii qofku uu la kulmo saameyn noocaas ah muddo dheer, waxay waqti gaaban u horseedi kartaa qalqal/isku dhaxyaac, tusaale ahaan sida kartidiisa wax qabad oo hoos u dhacda. Sidaas daraadeed waxaa loo qaabeeyay  qiimo xaddidan (Limit values) si looga fogaado saameynta waxyeelada leh ee uu ku yeelanaayo caafimaadka ayadoo la adeegsanayo xad badbaado ah (safety margin). Qiimaha xaddidan (Limit values) maaha mid lagu salaynayo daraasado gaar ah balse wuxuu ku saleysan yahay aqoon la soo ururiyay oo cilmi-baarayaashu soo bandhigeen.

Isticmaalka taleefoonka gacanta ee sida xawliga ah u kordhaaya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in teleefoonka gacanta laga yaabo in uu yeesho waxyeelo iyo saameyn caafimaad darro. Saameyntaan caafimaad daro waxay qusaysaa tusaale ahaan haddii hirarka raadiyowga ee taleefannada gacanta ay saameyn ku yeelan karaan hurdada ama ay beddelaan noocyada kala duwan ee waqtiyada falcelinta (reaction times). Arimaha kale ee la baarayo ayaa ah hadii carruurtu u nugul yihiin hirarka raadiyowga ee taleefannada gacanta. Aqoon baarisyo kala duwan cilmi baarayaashu waxay isku dayeen inay iftiimiyaan hadii uu jiro xiriir ka dhexeeya telefoonka gacanta iyo qatarta kordheysa ee kansarka.

Awooda shucaaca – itaal. Awooda waxaa loo qoraa dhowr siyaabood, laakiin tan la is ku waafaqsanyahay/caadiga waa cufnaanta awoodda (power density), taas oo la mid ah itaal

(intensity). Waxaa inta badan la isticmaalaa maykaroo waat halkii mitir oo laba jibbaaran (µW/m2) (maykaroo = µ = 10-6 ). Waxaa sidoo kale dhacda in la isticmaalo milliwatt halkii mitir oo laba jibbaaran (mW/m2 ) (milli = m= 10-3). Hal mW/m2 wuxuu la mid yahay 1000 µW/m2. Sida laga soo xigtay cilmimbaarisyo kala duwan qatarta caafimaadka waxaaa si muuqata loo arkaa 1000 µW/m2. Sidoo kale 500 µW/m2 waxaa laga helaa madax xanuun, dhanjaf/goon jab iyo wareer.

Waxaa jira guddi caalami ah oo ilaaliya shucaaca, ICNIRP (International Non-Ionizing Radiation Protection Committee). Gudigan wuxuu bixiyaa talo cilmiyeed iyo hagid ku saabsan saameynta shucaacu ku yeesho caafimaadka iyo deegaanka si loo ilaaliyo dadka iyo deegaanka. Gudigaan ayaa dib u eegis ku sameeya dhammaan cilmi baarista lagu sameeyo badad birlabdanabeedka , kuwaas oo lagu baahiyey/daabacay wargeysyada cilmiga. ICNIRP oo uu wehliyo Ururka Caafimaadka Adduunka, WHO, ayaa soo qabanqaabiya shirar caalami ah si loo soo koobo xaaladda cilmi baarista xiligaas socota markaasna tilmaama daldaloolada aqooneed iyo halka loo baahan yahay in dadaal cilmi baaris lagu sameeyo.

WHO waxa ay tan iyo 1996 ka shaqaynaysay mashruuc caalami ah oo ku saabsan badad birlabdanabeedka. Mashruucu wuxuu ka shaqeeynayaa in la isku duwo cilmi baarista iyo aqoonta ku saabsan saamaynta wax yeelada caafimaad ee ka dhalan karta badad birlabdanabeedka. Dalkeenu malaha hayado dowli ah ama ururo bulsho oo daba gala una soo gudbiya dadka cilmi baaristaan caalamiga ah ee socota.

Wax cilmi baaris ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka ku nool meelaha u dhow siinka isgaarsiinta (oo ay ka mid yihiin anteenooyinka guryaha korkooda saaran) laguma samayn Soomaaliya ama waddamada geeska Afrika. Balse waxaa jira warbixino joogta ah oo la aamini karo ku waasoo laga soo xigtay dad qaba astaamo caafimaad daro oo daran. Dadkaasi waxay ku nool yihiin wadamada reer galbeedka.

Astaamaha (calaamadaha) caafimaad daro ee ugu badan ee laga soo sheego shucaaca siinka isgaarsiinta taleefanka gacanta waxaa ka mid ah:

  • Dhibaato xagga hurdada
  • Madax xanuun
  • Wareer, la labo
  • Guux ku furma dhagaha
  • Difaaca jirka oo yaraada, u nuglaanshaha caabuqa (infection) oo kordha
  • Walaac, welwel, xanaaqaada oo bata, dareen walbahaar
  • Daal
  • Dhibaato xagga wadnaha, garaaca wadnaha
  • Dhibaato xagga xusuusta, dhibaato xagga jiho ogaalkaaga, dhibaato xagga feejignaanta, dhibka ku yimaada inaad u fikirto si cad/hubanti ah.

Cilmi baaris lagu sameeyay saamaynta uu siinka isgaarsiinta taleefannadu ku leeyihiin caafimaadka dadka.

2002, Fransiiska: madax xanuun, dhibaato xagga hurdada, wareer.

Xog ururin muhiim ah oo lagu sameeyay xiriirka u dhexeeya masaafada saldhigga siinka isgaarsiinta/ anteenada iyo astaamaha kala duwan ee la soo wariyey/sheegay sida daal, madax xanuun, xanaaq, wareer, hurdo la’aan, dhamaan astaamaha jirooyinka ka dhasha hirarka raadiyowga. Fiiri:https://pubmed.ncbi.nlm.nih.gov/12168254/

2004, Isbeyn: Madax xanuun, dhibaato xagga hurdada, dhibaato xagga dhugmada

Xog ururin muhiim ah oo lagu sameeyay xiriirka u dhaxeeya derajoda/heerka caafimaad darro ee la soo wariyay/sheegay iyo shucaaca la cabiray ee guryaha. Natiijadu waxay na tusiday in dadka deegganka ah ay yihiin kooxda uu dhibka badan ka soo gaaro shucaaca hirarka raadiyowga ku waa soo  lagu arkay calaamado la mid ah: Welwel, caro, cunto xumo, daal, madax xanuun, hurdo xumo. Fiiri: https://www.powerwatch.org.uk

2004, Jarmal: kororka halista kansarka

Labanlaabanka dhacdooyinka kansarka dadka deggan 400 mitir meel u jirta siinka isgaarsiinta marka la barbar dhigo dadka deggan meel xoogaa ka fogg. Kaliya markii shantii sano ee la soo dhaafay 1999-2004 la baaray, waxaa la arkay in halista in uu ku  dhaco kansar uu saddex jeer ka badan yahay dadka ku nool meel 400 mitir u jirta siinka isgaarsiinta. Fiiri: http://www.tetrawatch.net/papers/naila.pdf

  • Awstariya: Madax xanuun, dhibaato xagga dhugmada, dhibaato xagga hurdadaKoox cilmi baarayaal ka ah jaamacadda caafimaadka ee Vienna ayaa cilmi baaris ku sameeyay hadii siimanka isgaarsiintu ay sababaan waxyaabo ay ka mid yihiin madax xanuun, daal, dhibaato xagga dhugmada iyo dhibaato xaga hurdada. Dadaka ka qaybqaadanayey baarista waxaa loo qaybiyay saddex kooxood oo kala duwan iyadoo ay ku xiran tahay heerka shucaaca la cabiray ee guryaha: in ka yar 0.1 mW/m2, 0.1-0.5 mW/m2 iyo in ka badan 0.5 mW/m2. Madax xanuun ayaa ahaa astaanta cudur ee aadka u korortay markii shucaaca la cabbiray ee guryaha uu kor u kaco. Astaamaha kale ee la arkay markii shucaaca kor u kaco waxay ahaayeen gacmo qabow ama caga qabow, dhibaato xagga dhugmada, daal, gariir iyo hurdo wareer.

Fiiri:https://pubmed.ncbi.nlm.nih.gov/16621850/

  • Masar: Madax xanuun, dhibaato xagga xusuusta, dhibaato xagga hurdada

Cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda Menoufiya ayaa baahiyay cilmi baaris sanadku markuu ahaa

  1. Cilmi baaristan ayaa sidoo kale muujisay in siimanka isgaarsiintu ay sabababaan calaamadaha cudurada ku dhaca dareen wada yaasha (neurological symptoms). Cilmi baaristan waxaa la is barbar dhigay dadka degenaa kana shaqeynayay meel u dhow siinka isgaarsiinta iyo koox tijaabo ah oo siinka ugu dhaw uu u jiri 2 km. Madax xanuun, qalqal xagga xasuusta, xanaaqa iyo dhibaato xagga hurdada ayaa ahaa calaamadaha aadka ugu kordhay kooxda agg deggan siimanka isgaarsiinta marka la barbardhigo kooxda tijaabada. Fiiri: https://pubmed.ncbi.nlm.nih.gov/16962663/
  • Taiwan: Khatarta kansarka carruurta oo kordhay

Kororka dhacdooyinka kansarka carruurta ee meelaha shucaaca ka imaanaaya siinka isgaarsiinta taleefanada uu aadka u sarreeyo. Fiiri: https://pubmed.ncbi.nlm.nih.gov/22885353/

  • Iran: Dhibaato xagga hurdada, madax xanuun, wareer, murugo, iwm

Waxaa si weyn ugu kordhay dhacdooyinka hurdo xumo, madax xanuun, wareer, jactad, murugo, xusuus xumo, xanaaq iyo isku dhex yaacsanaan dadka deggan meel 300 mitir u jirta siinka isgaarsiinta marka la barbar dhigo dadka deggan meelaha ka fog. Fiiri:https://pubmed.ncbi.nlm.nih.gov/23781985/

2015 Brazil:Kororka dhacdooyinka buufiska/niyad jab iyo welwelka dadka deggan meel u dhow siinka isgaarsiinta taleefannada gacanta.

Waxaa si wayn u kordhay dhacdooyinka xanuunka dhimirka iyo walaaca dadka ku nool meel u jirta 300 mitir siinka isgaarsiinta taleefannada gacanta marka la barbar dhigo kuwa ku nool meel ka fog. Astaamaha niyad jabka /buufiska ayaa sidoo kale ku badan kuwa aadka u isticmaala taleefanka gacanta. Fiiri: https://www.scielo.br/j/csp/a/vmTL6rYzPHdZJ5NKqNCsqCr/?format=pdf&lang=en

2016: Hindiya: Dhibaato xaga hurdada, madax xanuun, dhiig kar iyo hoos u dhaca ku yimaada wax soo saarka candhuufta.

Cilmi baaris la sameeyay ayadoo la isbarbardhigay 20 qof oo deggenaa 8 sano meel u dhow siinka isgaarsiinta taleefannada gacanta iyo dad deggenaa ugu yaraan 1 km meel u jirta siinka isgaarsiinta taleefannada gacanta. Hurda xumada ayaa 4 mar in kabadan ku badnaa kooxda u dhow sidoo kale, waxaa in ka badan 2.5 mar ku badnaa dhiig karka. Kooxda u dhow 60% kaliya ayuu caadi ahaa wax soo saarkooda candhuufta meesha kooxda ka fog uu ahaa boqolkiiba 85%. Fiiri: https://www.jispcd.org/article.asp?issn=2231-

0762;year=2016;volume=6;issue=1;spage=54;epage=59;aulast=Singh

Sidee isku ilaalin karnaa?

  • Ka fogow ku hadalka waqti dheer ee taleefanka gacanta
  • Ka fogow inaad ku nooshahay meel u dhow siinka isgaarsiinta taleefanka gacanta
  • Ha dhigin talefoonka gacanta oo shidan meel cunug yari jiifo
  • Ka fogow in taleefanka gacantu aad ugu dhawaado indhaha ama xaniinyaha, maxaa yeelay waxay u nugul yihiin kuleylka
  • Ka digtoonow isticmaalka taleefoonnada gacanta haddii aad rabtid inaad carruur yeellato, ayadoo laga fakeraayo suurtagalnimada in hirarka raadiyowga waxyeello gaarsiin karaan hidda sidaha (genetics)
  • Ha u oggolaan carruurta inay isticmaalaan taleefoonnada gacanta hadii aysan muhiim aheyn. Carruurtu aad bay u nugul yihiin, madaxoodu waa yar yahay sidaa daraadeed waxaa maskaxdooda geli kara shucaac badan.

Maskaxda ku hay in maanta uu san jirin qof dammaanad qaadi karta in hirrarka radiyowga aysan waxyeello lahayn!

Wasaaradaha iyo wakaaladaha masuulka ka ah.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha;

Waxay masuul ka tahay xeerarka quseeya badad birlabdanabeedka ee goobaha shaqada.

Wasaaradda Caafimaadka;

Waxay masuul ka tahay iney kormeerto sidoo kale ilaaliso arrimaha caafimaadka. Masuuliyadan waxaa ku jira arimaha ku saabsan qatarta badad birlabdanabeedka.

Wakaaladda isgaarsiinta qaranka;

Waxay masuul ka tahay iney bixiso ogolaanshaha isticmaalka raydiyow gudbiyaha (radio transmitter)

Cabdulqaadir Jilibeey

Telecommunication engineer Energy specialist

abdulkadir.m.abdulle@gmail.com

AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed