Saacado xasaasi ah kahor duufaanta: Bariga Dhexe ma wuxuu galay dagaal balaaran?

Khabiirro iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa isku raacsay in Bariga Dhexe uu marayo marxalad amni oo xasaasi ah, iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan ay cirka isku sii shareerayso, xilli wadahadalladii nukliyeerka hakad galeen isla markaana Maraykanku qaaday tallaabooyin daadgureyn taxaddar leh kana socda gobolka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay saraakiil Maraykan ah oo sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u diyaargarowday inay amar ku bixiso in dhammaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee ka tirsan safaaradda Maraykanka iyo qoysaskooda laga saaro Ciraaq, Baxrayn iyo Kuwait.

Sida uu sheegay Dr. Muhannad Mustafa oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Israa’il, waxaa jirta filasho iyo diyaar-garow milatari oo Israa’il leedahay si ay Iiraan u weerarto haddii wadahadallada nukliyeerka ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan fashilmaan. Israa’il waxay sugaysay fursaddan waxayna u aragtaa in la gaaray waqtigii ugu habboonaa oo aysan mar kale helaynin, waana inay ka faa’iideysato.

Wuxuu sharraxay in waxa ka duwan diyaar-garowgaan yahay in ay jirto isku raacsanaan buuxda oo ka dhexeysa hay’adaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee Israa’il si loo bilaabo weerarka.

Mustafa wuxuu adkeeyay in Israa’il ay sugaysay fursaddan tan iyo 2009-kii, iyadoo hadda xaaladdu tahay mid gebi ahaanba ka duwan, Israa’il ay aaminsan tahay in ay awood u leedahay in ay beegsato kuna waxyeelayso mashruuca nukliyeerka Iran, gaar ahaan kadib weerarro hore oo lagu qaaday Iiraan, iyo sidoo kale daciifinta ama burburinta waxa Israa’il ay u taqaano wakiillada Iiraan ee gobolka, gaar ahaan Xisbullah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in weerarka Iiraan uu yahay arrin istiraatiiji ah oo Israa’il si weyn u sugaysay, isla markaana ay hadda aragto in la joogo xilligii taariikhiga ahaa ee ku habboonaa.

Isla mowduucaas arrin la xiriirta, khabiirka arrimaha milatariga iyo istiraatiijiyadda ah jeneral Fayez al-Duwairi ayaa xaqiijiyay in tallaabooyinka Maraykanka ay muujinayaan in ay jirto xog la helay oo tilmaamaysa suuragalnimada sare ee weerar dhici kara.

Sida uu sheegay al-Duwairi, maamulka Maraykanku ma bixiyo amar ku saabsan in shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda laga saaro goobahooda shaqo haddii aanay jirin xog si aad ah u sugan oo muujinaysa in weerar milatari dhici karo.

Dhinaciisa, weriyaha Al Jazeera ee Washington, Fadi Mansour, ayaa tilmaamay in xogta laga helay Qiimeynta Xaaladda Ammaanka ee Taliska Dhexe (CENTCOM) ay muujineyso in Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Higgsyth uu ku dhawaaqay in laga daadgureeyay qoysaska askarta Maraykanka meelo badan oo ku yaal aagga Taliska Dhexe.

Sarkaal ka tirsan difaaca Maraykanka ayaa u sheegay Al Jazeera in Taliska Dhexe uu si dhow ula socdo xiisadda Bariga Dhexe, isagoo carrabka ku adkeeyay in khatartu aysan ahayn mid si toos ah uga imanaysa Iiraan oo Maraykanka weerar ku ah, balse ay la xiriiri karto suuragalnimada isbeddel ku yimaada xaaladda u dhaxeysa Israa’il iyo Iiraan.

Dhinaca kale, weriyaha Al Jazeera ee Tehran, Noureddine al-Daghir, ayaa sharraxay in Iiraan ay aaminsan tahay in mashruuca nukliyeerka uu leeyahay xal siyaasadeed la gaari karo, isla markaana Tehran ay diyaar u tahay in ay bixiso xog badan si loo dhiso kalsoonida ay la leedahay Washington, reer Galbeedka, iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga iyadoo sare u qaadaysa heerka kormeerka.
Daghir wuxuu intaas ku daray in Tehran ay wado laba jiho ah ku sugan tahay, mid diblomaasiyadeed oo ay rajaynayso inay heshiis kula gaarto Maraykanka, iyo mid kale oo milatari ah oo ay ugu diyaarsan tahay in ay ka jawaabto haddii isku dayadan fashilmaan isla markaana weerar milatari lagu qaado goobaha nukliyeerka Iiraan.

Dhinaca siyaasadda, Dr. Hassan Mneimneh oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka ee Bariga Dhexe, ayaa aaminsan in maamulka Maraykanku uusan dooneynin inuu galo dagaal cusub oo keena burbur ku yimaada xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, wuxuu diidan yahay in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, isagoo xusay in Washington ay ku qanacsan tahay mowqifka Israa’il in uu yahay cadaadis saaran dhinaca Iiraan.

Mneimneh wuxuu uga digay in mowqifyada cusub ee Donald Trump gaar ahaan kadib wicitaan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo aan la siinin oggolaansho toos ah ay weerarkaasi u dhigi karto xaalad xasaasi ah oo fadeexad ku noqota madaxweynaha Maraykanka, maadaama Netanyahu yahay qof ay raadinayso maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah.

Dr. Liqa Makki, oo ah cilmibaare sare oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka ee Al Jazeera, ayaa isna raacay aragtidaas, isagoo xusay in xaaladda iyo hanjabaadaha labada dhinac ay muujinayaan in ay jirto suuragalnimo dagaal ah dhab ah, gaar ahaan maadaama dhacdooyinkani ay kusoo beegmeen laba ilaa saddex maalmood ka hor taariikhda la filayo in ay bilaabmaan wareeg cusub oo wada-hadal ah oo u dhaxeeya Iiran iyo Maraykanka.

Wuxuu sheegay in tani ay micnaheedu tahay in Maraykanku doonayo inuu Iiraan u muujiyo inuu Israa’il u fasixi karo in ay si xor ah u dhaqaaqdo si cadaadis loogu saaro Iran in ay oggolaato soo jeedinta Maraykanka ee miiska wada-hadalka.

Marka laga hadlayo saameynta suuragalka ah, khabiiradu waxay isku raaceen in weerarka dhici doona uusan noqon doonin hal mar, balse uu noqon doono olole weerarro ah oo socon kara ugu yaraan toddobaad, kaas oo aan beegsan doonin oo kaliya goobaha nukliyeerka balse sidoo kale beegsan doona goobaha istiraatiijiga ah ee milatari iyo dhaqaale si loo burburiyo awoodda Iiraan ee maalgelinta mashruuca nukliyeerka mustaqbalka, ayuu Makki xusay.

Arrin dhinacaas la xiriira, weriyaha Al Jazeera ee Baqdaad, Sami al-Kubaisi, ayaa sharraxay in ilo xog ogaal Iraqi ah ay xaqiijiyeen in tallaabooyinka daadgureynta safaaradda Maraykanka ay qeyb ka yihiin diyaar-garowga la xiriira joogitaanka diblomaasiyadeed ee Maraykanka dalal dhowr ah oo ku yaal Bariga Dhexe, mana khuseeyaan oo keliya Ciraaq, taas oo muujinaysa in diyaar-garowgu yahay mid guud oo u diyaar ah suuragalnimada dagaal.

Makki wuxuu uga digay in gobolka oo dhan uu geli karo xaalad dagaal, dhacdooyinkuna ay is raaci doonaan saacado gudahood, ma aha maalmood, haddii aan heshiis laga gaarin wareegga wada-hadalka ee soo socda. Wuxuuna sheegay in weerarku dhici karo toddobaadka soo socda, taas oo gobolka gelin doonta xaalad halis ah oo isbeddel ku keeni karta isu dheelitirka awoodaha gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed