Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa xaqiijiyay in lix qof, oo uu ku jiro ilmo, ay ku dhinteen duqayn Ruushku saacado ka hor ka gaystay caasimadda Kyiv, taasi oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Sarkaal ka tirsan maamulka milateriga Kyiv, Timur Tkachenko, ayaa ku qoray barta Telegram-ka war u dhignaa sidan “Ilaa iyo hadda, adeegyada degdega ah waxay xaqiijiyeen geerida 6 qof, imo lix jir ah ayaa ka mid ah dadka dhintay.” Waxaana uu intaa ku daray in weerarku uu beegsaday ilaa 10 degmo oo ka tirsan Kyiv, oo ay ku jirto xarun waxbarasho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Ukraine, Igor Klymenko, ayaa isna sheegay in in ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta, isagoo tilmaamay in degmooyinka Svyatoshynsky iyo Solomyansky ay ahaayeen kuwa ugu daran ee duqeyntu saameysay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andriy Sebiga, ayaa maanta sheegay in “laga joogo waqtigii la saari lahaa cadaadiska ugu badan Moscow,” isagoo ku qoray baraha bulshada fariin uu ku yiri “Waa subax naxdin leh oo Kyiv ay ku jirto.
Wuxuu sii raaciyey hadalkiisa “Madaxweyne Trump wuu sabray, aadna wuu u dulqaatay, isagoo isku dayaya inuu xal u helo colaadan, waxaa la joogaa Waqtigii cadaadis xad-dhaaf ah la saari lahaa Moscow. Cunaqabateyn waa in si mideysan loo saaraa. Waqtigan waa in nabad lagu khasbo.”
HBN ONLINE TV