Ruushka oo muujiyay mowqifkiisa ku aadan hadal ku aadan dagaalk Ukraine oo uu jeediyay Donald Trump

Dawlada Ruushka ayaa soo dhaweeysay hadalkii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ee ku aadanaa inuu ka soo horjeedo isticmaalka hubka Mareykanka gaar ahaan gantaalada uu siiyay Ukraine in lagu garaaco gudaha Ruushka.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushk Dmitry Peskov oo ay soo xigatay warbaahinta Ruushka ayaa tibaaxay in hadalkaasi uu si buuxda ula jaanqaadayo mowqifka Moscow.

Trump ayaa wareysi uu siiyay wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka wuxuu ku sheegay in uu si adag uga soo horjeedo isticmaalka gantaalada ATACMS  ee Ukraine la siiyay inay ku beegsadaan dhulka Ruushka. Hadallada Trump ayaa si diirran looga soo dhaweeyay Kremlin-ka, waxaana tani ku soo aadaysaa iyadoo Ruushku Jimcihii uu qaaday weerar dhinaca cirka ah oo ballaaran oo ka dhan ah nidaamka tamarta ee Ukraine, taas oo jawaab u ahayd weerar ciidamada Ukraine toddobaadkan la beegsadeen garoon diyaaradeed oo lagu garaacay hubkii Mareykanku siiyay.

“Bayaan-kaasi wuxuu si buuxda ula jaanqaadayaa mowqifkayaga iyo aragtidayada ku aaddan sababaha xiisadda sii kordhaysa,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, oo la hadlayay warbaahinta.
Peskov ayaa sidoo kale yiri “Way iska cadahay in Trump uu si buuxda u fahansan yahay waxa xiisadda kicinaya.”

Xukuumada Ruushka ayaa si joogto ah u cambaaraysa hubka reer Galbeedka ay siiyaan Ukraine, iyada oo sheegtay in isticmaalka hubkan uu dalalka NATO ka dhigayo ka qaybgalayaal toos ah ee dagaalka, kaasi oo galay sannadkiisii saddexaad.
Trump, oo ololihiisa doorashada ku sheegay in uu heshiis ku soo afjari karo dagaalka 24 saacadood gudaheed, waxaana durba uu bixiyay saadaal ku saabsan suurtogalnimada xabbad-joojin ka hor intaanu xilka la wareegin bisha Janaayo.

Hase yeeshee, Kremlin-ka ayaa Jimcahii sheegay in shuruudihiisa hordhaca ah ee joojinta dagaalka & wada-hadallada nabadda Ukraine aan weli la buuxin.
“Xabbad-joojin ma rabno. Waxaannu rabnaa nabad kaddib marka shuruudahayaga la fuliyo iyo yoolalkayaga oo dhan la gaaro,” ayuu yiri Peskov isagoo la hadlayay wariyeyaasha.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed