Afhayeenka aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in rajada Ukraine ee ah inay ku biirto NATO ay tahay mid “aan la aqbali karin.”
Hadalkan ayuu ka jeediyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Moscow maanta, halkaas oo uu kaga hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee hadda jira.
Peskov wuxuu sheegay in ku biirista Ukraine ee NATO ay khatar ku tahay amniga Ruushka. “Tani waxay si buuxda uga soo horjeeddaa mabda’a ammaanka aan la kala qaybin karin ee aan aaminsannaha” ayuu yiri Peskov.
“Dal kale amnigiisa lama xaqiijin karo iyadoo dal kale amnigiisa la dhaawacyo . Tani waa aasaaska adag ee xiriirka caalamiga ah ee aan ku dhisannahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka.
Dmitry Peskov oo hadalkiisa sii ambqaadaya ayaa yiri “Go’aan kasta oo suurtagal ah oo ku saabsan arrintan waa mid aan la aqbali karin sababtoo ah khatar ayay nagu tahay.”
Isagoo ka hadlayay hadal ka soo baxay Mareykanka Isniintii oo sheegaya in la siinayo Ukraine taageero dheeri ah oo ah hub iyo qalab ku kacaya $725 milyan, Peskov wuxuu adkeeyay in maamulka Washington ee hadda aanu doonayn in la soo afjaro dagaalka Ukraine.
“Taageeradan kale loo dirayo Ukraine waxba kama beddeli doonto habka dhacdooyinka mana saameyn doonto dhaqdhaqaaqa goobaha hore,” ayuu yiri.
Laga soo bilaabo 24-kii Febraayo 2022, Ruushku wuxuu waday weerar militari oo ka dhan ah deriskiisa Ukraine, taasoo Kyiv ka dalbaneysa inay ka tanaasusho ku biirista hay’adaha milateri ee reer Galbeedka, taas oo Kyiv u aragto “faragelin” arrimaheeda gudaha ah.
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa sheegay in Ukraine aysan u baahnayn fikrado ku saabsan habka nabadda, balse ay u baahan tahay taageero milatari oo dheeri ah si loo xoojiyo mowqifkeeda marka wada-hadaladu billowdaan.
Rutte wuxuu shir jaraa’id maanta ku sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay isku dayayaan inay carqaladeeyaan waddamada NATO iyagoo adeegsanaya basaasid, weerarro internetka ah, iyo cadaadis dhinaca tamarta ah.
Xoghayaha guud ee NATO wuxuu adkeeyay in dhammaan ficillada Ruushka iyo Shiinaha aysan ka hor istaagi doonin NATO inay taageerto Ukraine iyo inay xoojiso difaaceeda.
Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada Ukraine maadaama dagaalka uu galay jiilaalkiisii saddexaad, isagoo sheegay in “Ruushka uusan muujinaynin wax calaamado ah oo dib uga noqosho ah, balse ay sii kordheyso gardaradiisu”, waa sida hadalka uu u dhigaye.
“Inta NATO si xooggan u taageerto Ukraine, ayay xooggan tahay gacanta ay ku leedahay miiska wadaxaajoodka, oo si dhaqso ah ayaan u soo afjari karnaa gardarada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine,” ayuu yiri Rutte.
HBN Online TV