Ruushka oo kordhiyay duqeymaha uu ku hayo Ukraine.

Ugu yaraan 30 qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa dhaawacmay ka dib markii bam uu hagayay Ruushku uu ku dhuftay dhismo dheer oo la deggan yahay oo ku yaal magaalada Kharkiv ee waqooyi bari ee dalka Ukraine saacado ka hor.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa durbabab goobtaasi gaaray si ay ugu gurmadaan dadka dhaawac ah, tani waxay imaanaysaa iyadoo Ruushku uu xoojiyay duqeynta uu ku hayo magaalooyinka Ukraine.

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta ayaa waxaa ka muuqda sawirada qiiq iyo dab ka baxaya dhismaha duqeynta lala helay.
Gudoomiyaha gobolka Kharkiv Oleh Syniehubov ayaa sheegay in duqeyntan ay qayb ka tahay duqeymaha Ruushku ku hayo goobaha kaabayaasha rayidka.

Kharkiv, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, ayaa ku taal meel u dhow xuduudka Ruushka, waxaana si joogta ah uga dhaca weeraro loo adeegsanayo madaafiic, gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

“Adduunku waa inuu ka caawiyaa Ukraine ka difaaca diyaaradaha militariga Ruushka, iyadoo gantaalada la hago ay halis galinayaan nolasha dadka rayidka ah maalin walba” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Ukraine Zelenskiy.

Ukraine ayaa sheegtay in loo ogolaado in ay isticmaasho gantaalaha aadka u xoogga badan oo ay reer galbeedku siiyeen si ay waxyeelo weyn ugu gaystaan gudaha Ruushka ayna wiiqaan awooda Moscow ee weerar.

Ruushka ayaa beeniyay in uu si ula kac ah u beegsaday dad rayid ah inkastoo uu dilay kumanaan tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine 2022-kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed