Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidankiisu la wareegeen “gacan-ku-haynta” magaalada Kupiansk oo ah magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla waqooyi-bari Ukraine, oo ciidamada dalkaasi ay dhawaan xaqiijiyeen inay dib ula wareegeen xaafado ka mid ah magaaladaas.
Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Ruushka ee TASS ayaa soo xigatay afhayeen u hadashay kooxda milatari ee Ruushka ee “Zapad” oo ka howlgasha gobolka, waxaana ay sheegtay in “magaalada Kupiansk ay hadda ku jirto gacanta Ciidanka Qaybta Shanaad ee Ruushka.”
Ruushka ayaa horay, bishii Nofeembar u sheegay inuu qabsaday magaaladan , balse Ukraine ayaa markaas diidday sheegashadaas, iyadoo xaqiijisay inay dib u hanatay qaybo ka mid ah magaalada.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcihii sii daayay muuqaal uu ka duubay duleedka Kupiansk, isagoo beeniyay sheegashada Moscow. Muuqaalka, Zelensky oo xiran jaakad difaac ah islamarkaana hor taagan calaamad burburtay oo muujinaysay tagitaanka magaalada, ayaa sheegay in Ruushku hadallo badan ka sheegay qabsashada Kupiansk balse xaqiiqadu ay ka duwan tahay.
Magaalada Kupiansk ayaa hore ugu jirtay gacanta Ruushka ku dhowaad 7 bilood kaddib dagaalkii billowday Febraayo 2022, ka hor inta aysan dib u qabsan ciidamada Ukraine.
HBN Online TV

