Roobab Xoogan oo khasaare kala duwan saababay oo ka da’ay Muqdisho

Roobab culus oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare naf iyo mid hantiyadeed, iyadoo si gaar ah u saameeyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo goobaha muhiimka ah, sida Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka caasimadda.

Roobabka oo watay daadad xooggan ayaa sababay dhimashada laba carruur ah, mid kamid ah ayaa meydkiisa laga helay afaafka hore ee xeebta Liido, halka kan kale laga helay agagaarka Isgoyska Soobbe, kadib markii daadadku qaadeen. Sidoo kale, qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa si buuxda u go’an, iyadoo gaadiidkii isticmaalayay waddooyinkaasi ay hakad galeen.

Dadka deegaanka ayaa ku qasbanaaday inay ka leexdaan wadooyinka biyaha buuxiyeen, halka qaar kalena lagu arkay iyagoo ku xayiran goobaha fatahaaddu saameysay. Waxaa sidoo kale la sheegay in khasaaraha uu intaa ka badan karo, maadaama ay jiraan goobo aan wali la gaarin.

Muuqaalo ku baahay bartaha xiriirka dadweynaha ayaa lagu arkayey xaafado qaar oo dadku ka bexeen, kuwaa oo biyo buux-dhaafiyeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan gurmad degdeg ah oo lagu caawinayo dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada nugul, kuwaas oo si weyn u saameeyay roobabka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo dowladda federaalka ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah degmooyinka ay dhibaatadu ka jirto, iyagoo shaaciyay in la wado qorsheyaal lagu samatabixinayo dadka iyo in gargaar degdeg ah in la gaarsiiyo.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee laga diiwaan geliyay roobabka ayaa waxaa kamid ah burburka wadooyin dhowaan dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay, kuwaas oo hadda ah kuwo aan la isticmaali karin.

Halista kale ee jirta waa Koronto Muqdisho oo aan shirkaduhu jarin marka roobabku da’ayaan, waxaana baalayaashooda oo biro ah si fudud u dili karaan dadka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed