Roobab xooggan oo 24kii sacadood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada Hargeysa, ayaa sababay in qaybo ka mid ah guryo u dhow Togga Daami in ay dumiyaan qaarkood, halka kuwo kalena biyo badan galeen, oo dadku ka barakaceen.
Guryahan Roobabku waxyeelada gaadhsiiyeen ayaa ah guryo ku dhow Daami, kuwaas oo xilliyada roobka biyo mareenka toggaasi tagaa uu ku fataho xaafadda dhinaca ku haya biyo mareenkaasi.
Dadka dhibaatada soo gaadhay guryahooda oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xalay ilaa saaka guryahooda biyo fadhiisimo isu beddeleen, isla markaana ay daadadka galay awgood ay uga barakaceen guryahooda.
Dadka xaafaddan deggan ayaa naftooda kala cararay xalay guryahooda markii roobku dhaliyey biyo badan oo keenay in guryahoodu ku soo fataho “Waan ka qaxay gurigaygii, xaafaddo kale ayaan ula cararay caruurtii, markii biyo noogu soo galeen guriga” ayey tidhi Shukri Aadan Muxumed oo saddex caruur ah oo ay dhashay xalay ka barakaceen roobabka ka da’ay Hargeysa.
Madax Xafiiska Maareynta khataraha iyo ka hortagga musiibooyinka Cali Maxamed Nuur (Cali Dheereeye), oo u warramayey warbaahinta ayaa sheegay in roobabka xooggan ee shalay, xalay ilaa saaka ka da’ayay magaalada Hargeysa ay yihiin kuwii ugu biyaha badnaa ee in muddo ah, halkaas ka da’a.
Roobka ayaa dhanka kale sababay in uu hakad ku yimaado dulimaadyadii diyaaradaha taga magaalada Hargeysa, iyada oo maanta diyaarad ka timid Dubia ay ay dagi wayday garoonka Cigaal.
HBN ONLINE TV

