Hay’adda saadaasha cimilada ee IGAD (ICPAC) ayaa shaacisay saadaal muujinaysa in roobab mahiigaan ah oo ka baxsan heerarkii caadiga ahaa laga filayo in toddobaadyada soo socda ay ka da’aan qeybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka saameynta roobkani gaari doonaan.
Warbixinta toddobaadlaha ah ee ICPAC ayaa tilmaamaysa in roobab culus oo u dhaxeeya 50–200 millimitir laga filayo dalalka Rwanda, Burundi, waqooyi-galbeed iyo koonfurta Tanzania, galbeedka Uganda, xeebaha, waqooyi-bari iyo galbeedka Kenya, qeybo ka mid ah Itoobiya, waqooyiga Suudaanta Koonfureed iyo koonfurta Suudaan.
ICPAC waxay si gaar ah uga digtay in roobabka xooggan ee laga filayo waqooyi-bari Kenya iyo qeybo ka mid ah koonfurta iyo waqooyiga Tanzania ay keeni karaan fatahaado goobo gooni ah. Waxaa bulshada degan dhulka hooseeya lagu wargeliyay inay feejignaadaan si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha daadadka.
Sida lagu sheegay saadaasha, roobab fudud oo ka yar 50 millimitir ayaa laga filayaa inta badan gobollada dhexe ilaa kuwa koonfureed ee Soomaaliya, taasoo muujinaysa in inkasta oo dalka aanu helaynin roobabka ugu culus, haddana ay jiraan deegaano heli doona roobab wax ku ool ah iyo cimilo aad u kulul.
Waxaa la saadaaliyay sidoo kale in heer-kulka guud ee gobolka uu ka sarreyn doono heerkii caadiga ahaa, marka laga reebo waqooyi-bari Kenya iyo meelaha xadka ah ee u dhexeeya Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.
“Heerkul sare oo ka badan 32℃ ayaa laga filayaa qeybo ka mid ah Suudaan iyo gobolka Canfarta ee Itoobiya,” ayey warbixintu sheegtay.
“Kuleyl u dhexeeya 20-32℃ ayaa sidoo kale laga filayaa inta badan Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Djibouti iyo Tanzania” ayaa la sii raaciyey.
Soomaaliya waxaa si gaar ah looga digay heer kul sarreeya iyo xaalado kulayl daran (heat stress), gaar ahaan gobollada dhexe ilaa kuwa koonfureed, halkaas oo dadka lagu wargeliyay inay si gaar ah u ilaaliyaan caafimaadkooda xilligan kulul.
Roobabkan iyo heer-kulka sare ee la saadaaliyay ayaa imaanaya xilli isbeddel cimiladeed oo muuqda uu ka jiro gobolka, waxaana khubaradu ugu baaqeen dowladaha iyo bulshada inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo fatahaado, kulayl xad dhaaf ah iyo waxyeellooyin la xiriira.
HBN ONLINE TV