Roobab lixaad leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho oo saameyn culus ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynah

Roobabka da’ayay ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ay buux dhaafiyeen biyo badan. Roobab mahiigaan ah ayaa socday muddo 10 saacadood ah kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay wadadooyinka magaalada iyo isu socodkii gaadiidka kadib markii wadada ay biyo galeen.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka caasimadda ayaa u sheegay HBN TV in wadooyinka qaar ay noqdeen kuwo aan la mari karin kadib roobab mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho, isla markaana keentay in dadku badi ay lugtooda adgeesadaan, waxana xrimay waddooyin halbowle u ah isu socodka qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Darawalada gaadiidka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegay in inta badan wadooyinka xaafadaha isku xira ay saaka noqdeen kuwo biyo fariisin ah, taasi oo curyaamisay shaqooyinkii ay wateen oo ay ku qasbeen in ay guryahooda iska joogaan.

Waxaa jira wadooyin kooban oo la mari karo iyadoo gaadiid fara badan ay bilaabeen in ay maraan wadooyinkaasi taasi oo keentay jaam xooggan iyo ciriir xa dhaaf ah isku socodka dadka iyo gaadiidka maadaama wadooyinka kale ay buux dhaafiyeen roobabka.

Wadooyinka yar ee aan biyaha lahayn ayaa ah kuwo aad u saxmad badan oo ay adag tahay in si fudud loo maro. Soomaaliya ayaa horay waxaa ugu dhuftay fatahaado ay ku dhinteen tobanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay isaga carareen guryahoodii, kadib markii roobab xooggan ay ka da’een dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed