Roobab ka da’ay qeybo kala duwan oo ku yaalla Bariga Afrika oo saameyn ku yeeshay in ka badan in nus milyan ruux oo ay ku jirto Soomaaliya

Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa saameeyay in ka badan 560,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA.

Hay’adda OCHA, ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in ilaa 57,000 oo qof ay ku barokaceen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qeybo kala duwan oo ku yaalla Bariga Afrika.

Waxa ay sheegtay in daadadku ay khasaare weyn u geysteen guryaha la deggan yahay, kaabayaasha bulshada, iyo dhul-beereed, taas oo sii xaddidaysa helidda adeegyada dadka ay saameeyeen, gaar ahaan meelaha ay horay u saameeyeen colaadaha, abaarta daba dheeraatay, dillaaca daacuunka, iyo kaabayaasha waddooyinka oo liita.

Gobolka Soomaalida oo ah halka ay wabigu buux dhaafiyeen ayaa ah meelaha ugu daran ee ay fatahaaduhu saameeyeen, waxaana ku barakacay ugu yaraan 51,000 oo qof sida ay sheegtay OCHA.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed