Ra’isalwasaare Xamse Cabdi Barre oo si dadban ugu eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu dumiyo xukuumaddiisa.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maamulka Jubbaland ee hoggaamiyo Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo sidii loo dumin lahaa xukuummadda uu hoggaamiyo oo ugu yeeray “Dan Qaran”, waxaana uu sheegay in madaxda Jubbaland waa sida hadalka uu u dhigay’e ay ka baxeen taladii guud ee dalka ay qaybta ka ahaayeen isla markaana hoggaanka Jubbaland doonayo inuu qabto doorasho Ra’ilsalwasaaruhu ku sifeeyay “isku caano shubid”.

Xamasa ayaa uga digay in hoggaanka Jubbaland uu adeegsado awood ciidan, isaga oo doonaya sida hadalka uu u dhiagy in uu qabto doorasho dadban maamulkaasi.
Xamsa ayaa tilmaamay in sharciyadda muddada uu qofka isku soo sharrixi karo xilka Madaxweynaha Jubbaland in uu ka dhammaaday Axmed Madoobe, sidaas awgeed aanay u furnayn door markale uu ku tartamo.

Sida oo kale waxaa uu carrabaabay Xamsa in wax walba ee ka soo baxa doorashada madaxweyne Axmed Madoobe uu ka wado Kismaayo sida qabo ay tahay sharci darro.
Waxa uu ka digay in ciidamada la burburiyo, iyada oo dano gaar ah loo adeegsanayo, waxa uu saraakiisha ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax weliba oo sharciga ka hor imaanaya si aanay dhibaato ama dib u dhac kale Dalka ku imaan.

“”Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah”.” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo bishii la soo dhaafay ee Oktoobar horaanteedii isaga baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku dhawaaqay in uu maamulkiisa qabsanayo doorasho dadban, waxaana guddiga uu magacaabay uu shaaciyay habraaca doorashadaas, taasi dhamaadka bishaan Nofembar soo gabagaboodi doonta sida uu muujinayo jadwalka la shaaciyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed