Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo maalmahan ay ka socotay u diyaar garow soo dhaweyntiisa.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiisku ku tilmaanay mid muhiim ah oo la xiriirta xasillinta deegaanka, la-tashiyo siyaasadeed, iyo dib u dhiska xiriirka dowladda federaalka iyo bulshada deegaanka. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la yeesho madaxda deegaanka, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo nabadda gobolka.
Socdalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliya xubno isagu jira golihiisa wasiirada & xildhibaano, waxaa kale oo horey u gaaray magaalada Laascaanood oo kaga sii horeeyay wafduud kala duwan, saraakiil amaanka ah iyo masuuliyiin kale.
Safarka Xamsa Cabdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ayaa ku soo aadayaa xilli xasaasi ah oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Puntland & Dawlada Dhexe, isla markaana Dawlada Federaalku riixayso doorasho qof & cod ah.
Puntland ayaa ku doodaysa in Laascaanood iyo deegannada kale ee uu maamulo maamulka SSC Khaatumo inay ka mid yihiin Puntland, wallow maamulka uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye uu caddeeyay in dadka deegaanku ay ka madaxbannaan yihiin Somaliland & Puntland ayna dhisteen maamul u gaar ah loona baaha yahay in loo tixgaliyo go’aankooda.
Dhanka Somaliland, si adag ayaa loo cambaareeyay safarka Xamsa taasi oo qayb ka ah sheegashada Somaliland ee deegaankaasi, inkastoo maamulka SSC Khaatumo uu deegaankaasi ka taliyo isla markaana dadka ay si wayn uga horyimaadaan maamulka Somaliland oo dagaal toos ah ay galeen.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay si ujeeddo leh u kicinayso khilaafaadka ka taagan gobolka, waa sida hadalka uu u dhigaye, isagoo sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay dhoolatus siyaasadeed oo lagu dardar gelinayo mushkiladaha taagan.
Dadka arrimaha Soomaaliya ka faalooda ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan karta xaaladda siyaasadeed ee gobolka. Sidoo kale, waxay fariin u diraysaa beesha caalamka iyo dhinacyada kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay xoojinta midnimada iyo horumarinta dalka.
Maamulka SSC Khaatumo oo labadii sano ee ku meel gaarka ahayd ay dhammaad ku dhowdahay ayaa ka rajeynaya kulankan in si buuxda loogu aqoonsado maamul rasmi ah iyagoo xooga saaraya aqoonsi buuxa oo ay ka helaan dawlada federaalka arrinkaasi oo xudun u ah doonista dadka deegaanka
Isha ku haay HBN ONLINE TV