Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheyn kooban ku sameeyey xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dahir Shire Maxamed loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xamsa ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha Haweenka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Ugu dambeyn RW Xamsa ayaa wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Cismaan Axmed Macoow.

Xukuumadda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa cadaadisyo adag kala kulantay bulshada, ka dib markii xilka Waraadda Haweenka ay u dhiibtay Bashiir Goobbe, waxaana isku shaandheyn kooban uu ugu wareegay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed