Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Kenya, kana wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal ee horumarinta gobolka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xarunta Madaxtooyada Karen ee Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Xamsa oo ka hadlayay shirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ee ka dhacay magaalada Nairobi ayuu ka sheegay xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaaltinimo ee labada dal, iskaashiga gobolka ee xasiloonida iyo horumarka, iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay kaalin muuqata ka qaadato isku xirka Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Barre iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoggaaminayay wafdiga ka socday Soomaaliya, iyadoo Kenya ay ka qeyb gashay shirkii guddiga iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in wadahadalka labada dhinac uu saldhig wanaagsan u yahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo rajo ka muujiyay horumarka wada-hadallada iyo heshiisyadii la gaaray.

Barre waxa uu tilmaamay saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Barre iyo madaxda kenya  ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah oo labada dal faa’iido u leh. Waa safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ku tago dalka Kenya.

Booqashadan ayaa ka tarjumeysa iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya labada dowladood, oo ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, balse ay soo food saartay caqabado muddooyinkan soo jiray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed