Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle iyo xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdiga Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada oo ay kulamo gaar gaar ah ku yeelan doonaan.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar si ay ugu kuur galaan xaaladda amni iyo bini’aadantinimo ee ka jirta magaalada Jowhar, waxaana uu xariga ka jaraya mashruuca biyo xireenka Jowhar sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.
War kooban oo lagu daabacay Website-ka rasmiga ah ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wafdigiisa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.
HBN NEWS DESK