Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay safar dibadda ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuwaas  ku wajahan  dalka Ciraaq. War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Maxamed Shiico Al-Sudaani.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Baqdaad ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalka oo uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal , iskaashiga iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow dhow safarka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadli doona iskaashiga dhow ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo danaha guud ee labada dal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed