Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Kenya iyo ujeedka socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalka oo uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iskaashiga iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow dhow safarka. .

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war kooban ka soo saaray socdaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo koobay in socdaalka rasmiga ah uu salka ku hayo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Soomaaliya iyo Kenya oo ah wadamo xuduud ah ayaa madaxdooda waxa ay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka, iyadoo Xukuumadda Nairobi ay xoojisay ammaanka xuduudka, si looga hortago weerarada dagaalyahanada Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed