Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay ansixinta afarta cutub ee Dastuurka, oo Sabtidii ay u codeeyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay tallaabo horumar leh oo shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, isla markaana la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen horumarka dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inaan marnaba loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.
Barre ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen guddiga baarlamaanka, xubno ka socday labada gole, iyo labada guddi ee loo xil saaray diyaarinta afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka dalka.
HBN NEWS DESK