Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Anders Hall oo ah xog-hayaha wasaaradda cadaaladda ee dalka Sweden.
Ra’iisul Wasaare Barre iyo Hall ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden oo dhinac walba ah oo faa’iido wadaag ah.
Barre ayaa ku ammaanay dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana uu kula dar daarmay in ay ka qeyb qaataan dadaallada dowladda ee dhanka horumarka iyo dimuqraadiyeynta.
Hall ayaa bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay ka hortagga argagixisada caalamiga ah, waxa uuna qiray horumarka la taaban karo ee laga gaaray dhanka amniga ee ka dhanka ah Al shabaab.
Sweden ayaa ka mid ah wadamada deeqaha siiya Soomaaliya, iyadoo taageerta dhismaha nabadda, dimuqraadiyadda, xuquuqul insaanka, caafimaadka loo siman yahay, iyo arrimaha la xiriira deegaanka, cimilada iyo tamarta.
HBN NEWS DESK