Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed dalka Keny isla markaana kala hadlay arrimo dhowr ah

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan gaar ah kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xamza ayaa ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay kordhiyaan wax soo saarka oo kaalin weyn ka qaata kor u qaadista kobaca dhaqaalaha ayna xooga saaraan sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in loo baahan yahay maalgashi iyo barnaamij shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan u baahan fursado ay ku shaqeystaan.

Waxa uu ka hadlay fursadda ay Soomaaliya ku eegi karto Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo loo soo gaabiyo EAC, wuxuuna ku tilmaamay fursad cusub oo suuq ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn ugu mahad celiyay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi, isagoo kula dar daarmay inay maalgashi ku sameystaan ​​dalkooda, wuxuuna ballan qaaday inay garab istaagi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed