Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku biiray Hogaamiyayaasha Caalamka ee ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Kuuriya iyo Afrika

Iyadoo Soomaaliya ay u dhaqaaqday horumarinta iskaashiga caalamiga ah, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, waxa uu ku biiray madaxda caalamka ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Kuuriya iyo Afrika oo ka furmay magaalada Seol ee dalka Koonfur Kuuriya, intii u dhaxeysay 4-tii ilaa 5-aad. – Juun, 2024.

Shir-madaxeedkan oo hal-ku-dheggiisu yahay “Mustaqbalka Aanu Samayn Doono Wadajir: Kobac Wadaag, Waaritaan, Iyo Wadajir,” waa dhacdo taariikhi ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa 3-dii June 2024-kii gaaray magaalada Seoul, isaga oo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda wadamada Afrika, Midowga Afrika, iyo Bankiga horumarinta Afrika si ay uga wada hadlaan mowduucyo muhiim ah sida maaliyadda, horumarinta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay Afrika u leedahay dhaqaalaha caalamka, maadaama qaaradda Afrika ay qaadato 3% wax soo saarka Kuuriya, halka ay bixiso 1% wax soo saarka.

Shir madaxeedka Kuuriya- iyo Afrika waxa uu bixiyaa madal ay hogaamiyayaasha wax kaga qabtaan caqabadaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada, cunto yarida, iyo arrimaha caafimaadka. Waxa kale oo ay fursad u siinaysaa Kuuriyada Koonfureed in ay sugto soo dejinta macdanta muhiimka ah iyo horumarinta xiriirka ganacsi ee Afrika.

Inta uu socdo shir madaxeedka ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Barre uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo horumarka uu ku tallaabsaday maamulkiisa.

Munaasabadan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan heshiisyo kala duwan oo ay kala saxiixdeen wadamada ka qeyb galaya shir madaxeedka, iyadoo dhidibbada u taageysa iskaashi buuxa oo dhinacyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin is dhaafsiga xogaha la xiriira macdanta muhiimka ah, iskaashiga tignoolajiyada iyo sahaminta wadajirka ah.

Shir madaxeedka Kuuriya iyo Afrika ayaa markhaati u ah ahmiyadda sii kordheysa ee Afrika u leedahay dhaqaalaha caalamka iyo sida ay uga go’an tahay hoggaamiyeyaasha adduunka in ay kobciyaan kobac, waaritaan, iyo  in wadajirka la wadaago.

Iyadoo ra’iisul wasaare Barre iyo wafdigiisa ay ku guda jiraan wadahadallo iyo wada-xaajoodyo, shir-madaxeedka ayaa ballan-qaaday inuu gogol xaar u yahay horumarinta iskaashiga Jamhuuriyadda Korea iyo dalalka Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed