Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khubad culus ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriya Koofureed iyo Afrika soona bandhigay arrimo khuseya dalka

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriya Koofureed iyo Afrika ee 2024, isagoo ku nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee kobaca la wadaago, waaritaanka, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo waddamada Afrika. Shir madaxeedkan oo ay isugu yimaadaan hogaamiyayaal iyo daneeyayaal ka kala socda qaaradaha, ayaa u adeegaya sidii madal lagu abuuri lahaa xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo xooggan.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay xasilloonida iyo horumarka dhaqaalaha. Waxa uu iftiimiyay awoodda qaranka ee aan laga faa’iidaysan, gaar ahaan dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, beeraha, iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo, isaga oo ku martiqaaday shurkadaha gacansiga  Kuuriya Koofureed inay sahamiyaan oo ay maalgashadaan kheyreedka dhex ceegaaga dalka, “Soomaaliya waxay ku socotaa waddo dib u soo noolaansho ah,” Barre wuxuu yiri, “waxaan aad u daneyneynaa inaan soo dhaweyno iskaashiyo horseeda korriin iyo barwaaqo labada dhinac ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo xusay horumarka laga gaaray amniga iyo dowladnimada oo dhabaha u xaaraya fursado dhaqaale. Waxa uu sawiray dal qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah una bislaaday hal-abuurnimada beeraha, kaas oo leh muuqaalo baaxad leh oo ku haboon mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta cadceedda iyo dabaysha.

Khudbadda Barre kaliya kuma aysan jeedin rajada dhaqaalaha ee waxay sidoo kale ku baaqday in meel looga soo wada jeesto wax ka qabashada caqabadaha caalamka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay  dadaallada iskaashiga ah ee lagula dagaallamayo isbeddelka cimilada iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, arrimaha saameynta ku yeelan kara dalalka soo koraya sida Soomaaliya. “Marka la eego khataraha caalamiga ah, wadajirkeena iyo iskaashigayada ayaa aad uga muhimsan sidii hore,” ayuu yiri.

Munaasabadan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan heshiisyo kala duwan oo ay kala saxiixdeen wadamada ka qeyb galaya shir madaxeedka, iyadoo dhidibbada u taageysa iskaashi buuxa oo dhinacyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin is dhaafsiga xogaha la xiriira macdanta muhiimka ah, iskaashiga tignoolajiyada iyo sahaminta wadajirka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed