Ra’iisal Wasaaraha Siomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay ka go’an tahay inay wiiqdo dadaalka ay Dowladda Somaliya ku doonayso inay ku sii wado wada hadalada Maamulka Somaliland.
Barre, oo maanta ka hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee 1-dii January lagu saxiixay Addis Ababa ay Soomaaliya ku gacan-sayrtay, isla markaana diiday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay dulqaad badan u muujisay Itoobiya.
Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay ku soo laabtaan miiska wada hadalka, si loo ambo qaado wadahadaladii dib loo bilaabaay, kuwaas oo sanadihii la soo dhaafay istaagay, waxaa uu ka dhawaajiyay in lama huraan ay tahay, in laga mira-dhaliyo yagleelida wadahadal ka turjumaya midnimada Soomaaliya.
Todobaadkii u dambeeyay bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay isla garteen in dib loo bilaabo wada hadaladii lagu xalin lahaa arrimaha taagan ka dib sanado badan oo xurguf siyaasadeed iyo ismari waa u dhaxeeyay.
Heshiiskan oo la gaaray ka dib wadahadalo socday laba maalmood oo uu dhexdhexaadinayey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo sannadkii 2020-kii oo ay wada-hadalladani istaageen.
Wadahadalladii Jabuuti ka dib, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku casuumay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu yimaado Addis Ababa si uu 1-da Janaayo u saxiixo heshiis is-afgarad ah oo ay Itoobiya u ogolaaneyso in hesho saldhig ciidan iyo dekad ganacsi biyaha Badda Cas ee gobolka Awdal.
Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhex dhexaadin ah oo laga sameynayo khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, haddii aysan Addis Ababa baabi’in heshiiskii muranka dhaliyay ee ay la gashay maamulka Somaliland.
HBN NEWS DESK