Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxaya magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo uu ka furmi doono shir madaxeedka Afrika iyo Kuuriya oo la qorsheeyay in uu ka furmo 4-ta illaa 5ta bisha June.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay shirka 2024-ka, wuxuuna sheegay in kulankaan diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Korea.
Shir madaxeedkan ayaa waxaa isugu imaan doona madaxda, dowladaha, iyo wakiilo ka socda wadamada Afrika, Midowga Afrika, iyo Bangiga Horumarinta Afrika 4-ta bisha June 2024-ka kuwaas oo lagu wado in ay ka wada hadlaan sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada maaliyadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in inta uu socdo kulanka madaxda labada dhinac ay uga wadahadli doonaan caqabadaha ugu muhiimsan ee caalamka ka jira, sida isbedelka Cimilada, Cunto yarida iyo dhibaatooyinka caafimaad darro.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, waxaana la filayaa inuu ka hadlo xaaladda guud ee dalka iyo tallaabooyinka horumarineed ee ay dowladdu qaaday, sida uu yiri. Af-hayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale.
Madaxda Afrika ayaa lagu casuumay dalalka Mareykanka, Ruushka, Japan, Turkiga, Sacuudiga, iyo Shiinaha, si ay uga qeyb galaan shirka qaaradda iyo dalalka kale.
HBN NEWS DESK