Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya amar culus dul dhigay Hey’adaha Dowladd ee shirarka ku qabto dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda, isla markaana ay mamnuuc tahay.

Xamse ayaa sheegay in ay tilmaam iyo muuqaal aanan wanaagsaneyn ay arrintaas ka bixineyso dalka, loona baahan yahay  gudaha dalka lagu qabto shirarka Hey’adaha Dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.

Golaha ayaa sidoo kale, ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed