Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta xildhibaanada baarlamaanka u sheegay, kuna celiyay in ay ka go’an tahay helitaannka marin badeed mar uu khudbad u jeedinayay, isla markaana wuxuu sheegay in heshiiskii is-af-garadka uu la galay Somaliland uu yimid kadib markii Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay diiday in markii horeba ay kala hadasho Itoobiya arrinta Badda, waa sida hadalka uu u dhigay’e.
“Helitaanka badda ayaa muhiim u ah dhaqaalaha iyo tirada dadka Itoobiya ee koraya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Abiy Axmed ku dheeraaday wax uu ugu yeeray “xaq u lahaanshaha Itoobiya inay adeegsato badda”, isaggoo xusay inay Itoobiya diyaar u tahay in arinkaasi si nabad ah, oo wadahadal ah lagu dhammeyo.
Abiy ayaa ku andacoonaya in Itoobiya ay xoojisay, oo ay taageertay dawladnimada Soomaaliya, isla markaana dowladda Itoobiya aysan wax su’aal ah galinayn midnnimada Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay ee ah in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso burburinta Soomaaliya ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo been ah, sida hadalka uu dhigay.
Abiy Axmed ayaa sheegay waa sida hadalka uu u yiriye in dowladda Soomaaliya aysan lacag ku khasaarin in wareegto waddamo kale si loo dacweeyo Itoobiya, iyadoo heli karta in Addis Ababa ay timaado, wax walbana lagu dhammaeeyo wadahadal furan.
Ra’isalwasaaraha Itoobjya ayaa intaas ku daray in qarashka Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya ama wado 1km oo Muqdisho laga dhiso si Shacabku ay uga faa’iideystaan.
Inkastoo Abiy Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay ka diiday in lagala hadlo baahida Itoobiya u qabto adeegsiga badda haddana waxaa jira heshiis 2018 dhexmaray isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo u ogolaanayay Itoobiya ay adeegsato 4 dekadood oo Soomaaliya ku yaal.
HBN Online TV