Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Safiirka Turkiga Alper Aktaş uu u sheegay in markabka la haysto ee MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay xerada TURKISOM — saldhigga milatari iyo dugsi tababar difaaca ee Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Sharmaarke wuxuu xusay in safiirku isku dayey inuu la xiriiro mas’uuliyiinta Puntland, balse uusan ka helin wax jawaab ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay si sharciga waafaqsan, iyada oo ku saleysan heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa laba-geesoodka ah, waajib ku tahay inay markabka si degdeg ah u fasaxdo.
Puntland oo war ka soo saaray markabka SEA World oo dhowaan lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari inay ku wado in baaritaanno. Maamulka ayaa tilmaamay in ay la soo xiriireen ganacsato ka soo jeeda Muqdisho oo sheegtay in iyagu leeyihiin shixnadda, iyo sidoo kale Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo sheegay in Turkigu leeyahay qalabka saaran markabka.
Warsaxaafadeedka Puntland ayaa lagu xusay in baaritaanku weli socdo, isla markaana Puntland ay soo dhoweynayso ka qeybgalka dowladda Turkiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in hubku uusan ku dhicin “gacmo khaldan.”
HBN ONLINE TV