Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha Serbia u qaabilsan Geeska Afrika, Vladimir Orlié.
Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre iyo wafdigiisa waxa ay ka wadahadleen horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Serbia iyo Soomaaliya. Barre ayaa uga mahad celiyay dowladda Seerbiya taageerada joogtada ah ee ay ka geysaneyso dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Vladimir ayaa dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Serbia u gudbiyay RW Hamza, wuxuuna ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.
Sannadkii hore, cutub ka kooban 60-askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa muddo afar bilood ah tababar ugu socday dugsiga tababarka ciidamada gaarka ah ee Marshal Josip Broz Tito ee magaalada Belgrade ee dalka Serbia, waxayna dib ugu soo laabteen Soomaaliya.
Ujeedka barnaamijkaan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa amniga iyo ilaalinta madaxda siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo madaxda ajnabiga ah ee dalka imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xasilinayo dalka iyo la dagaalanka argagixisada.
HBN NEWS DESK