Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta ka qeyb galay munaasab xilka ay kula wareegayey Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa khubaddiisa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo doorashada dalka ah, khilaaf maamulada iyo arimaha doorashada Somaliland.
Ra’iisal wasaare Xamsa oo bogaadiyey doorashaddii qofka iyo codka aheyd ee ka dhacday deegaannada Somaliliand ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qaabka shacabkooda ay codka ugu ciqaabeen sida hadalka uu u dhigay kuwii isku dayey in ay bedelaan abtiriska iyo isirkooda Soomaaliyeed ee xariirta ah.
“Shacabka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, waa shacab leh bisayl iyo wacyi sare oo ay ku abaal marinayaan ama ku ciqaabayaan madaxdooda. Waxay ciqaabeen kuwii isku dayey in ay bedelaan abtirka iyo isirkooda Soomaaliyeed ee xariirta ah. Kuwii isku dayey in ay Baddooda iyo barigoodaba laaluush ku bixiyaan” ayuu yiri RW Xamsa.
Sida oo kale, waxaa uu tilmaamay in uu shacabka ay codkooda muujinyeen dareenka iyo diidmada shcabka ee ay kaga soo horjeedeen sida uu carrababay kuwii aloosay dagaallada ay ku dhinteen boqolaallka qof ee Soomaaliyeed.
“Kuwii aloosay colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ay ku dhinteen boqolaal qof oo Soomaaliyeed, Hambalyo ayaa aan leeyahay shacabkaasi sharafta badan” ayuu yiri RW Xamsa.
Waxaa uu Hambalyo u diray madaxda iyo axsaabta siyaasadda ee la abaal mariyey, kuwaa oo uu rajeeyey guul iyo hormar.
HBN ONLINE TV